Alshabaab oo amartay Bakaaro in korantada laga jaro

MUQDISHO (KEYDMEDIA) - Kooxda shabaab ayaa amar ku siisay dhamaan shirkadaha adeegsada mootoorada ee suuqa bakaaraha iyo agaarihiisa ku yaala in ay damiyaan Matoorada si ay u soo weeraraan ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo hada suuqa ku sugan.
Warar Keydmedia Online
Alshabaab oo amartay Bakaaro in korantada laga jaro

Sarkaal ka tirsan shirkadaha isgaarsiinta ayaa u sheegay keydmedia in shabaab ay amreen in la damiyo Matoorada taasina ay keentay cilad dhinaca isgaarsiinta ah oo dad badan saameysay.

Qorshahan ayaa la sheegay Shababa in ay uga gol leeyihiin istaraatiijiyad dagaal, wallow aan la hubin inta suurta galnimada fulida howshan.

Shabaab hore bakaaro waxay uga qaadi jireen lacago baad ah iyadoona lacagahaasi ay ku isticmaali jireen howlaha dagaalka la xiriira.

www.keydmedia.net