Amarro la dul dhigay Gollaha Wasiirada Jubbaland

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in aysan marnaba geli karin Gollaha Wasiirada Jubbaland heshiis aan laga warqabin, sida uu dhigayo qodobka 64'aad ee Dastuurka Jubbaland. 

Warar Keydmedia Online
Amarro la dul dhigay Gollaha Wasiirada Jubbaland

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaalinta Jubbaland ayaa amar ku soo rogtay Hay'adaha dowliga ah ee ka howlgala gudaha deegaannada maamulkaas, iyadoona sheegtay in aysan geli karin heshiis aan la soo marsiin xafiiska Xeer ilaalinta, Islamarkaana aanu ka war qabin.

Maxamed Sheekh Cusmaan Siciid Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan marnaba dhici karin heshiis ay galaan Hay'adaha, kaas oo aysan ka war qabin xeer ilaalinta, isagoona xusay in arintaan sharci ahaanteeda uu dhigayo qodobka 64aad ee Dastuurka Jubbaland ee ku saleysan ilaalinta Hantida Dowladda.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in hadii ay jiraan heshiisyo horay loo galay oo ku saabsan Hantida danta guud lagu soo war geliyo xafiiska si loo hubiyo, isagoona shaaca ka qaaday in wax kasto oo aysan Xeer ilaalinta la socan aan la dhaqan geli karin.

Xubnaha Gollaha Wasiirada Jubbaland ayuu sidoo kale ugu baaqay in hadda kadib la soo socodsiiyaan heshiisyada ku saabsan hantida Danta guud ay galayaan, waxaa uuna intaas ku daray in ay soo gud-biyaan hadii ay jiraan heshiisyo hore.

Arintaan ayaa ku soo aadeyso xilli deegaannada Jubbaland ay dhowr jeer oo hore ka dhaceen murranno ku saabsan is qab-qabsi dhuleed, taasoo xafiiska Xeer ilaalinta ku jahwareeray, islamarkaana sababtay dagaal beeleedyo dhiig ku daatay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.