Amarro lagu soo rogay milkiilayaasha Hoteellada iyo Guryaha ee Jowhar

Jowhar ayaa muddooyinkaan martigelinaysay falalka amni darri.

Warar Keydmedia Online
Amarro lagu soo rogay milkiilayaasha Hoteellada iyo Guryaha ee Jowhar

Maamulka magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa amarro cusub oo dhanka ammaanka ah kusoo rogay milkiilayaasha Hoteellada iyo guryaha ee magaaladaasi.

Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha magaalada Jowhar, Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa lagu sheegay in cid aan warqad ka wadan laamaha ammaanka magaaladaas aan laga kireyn karin guri sidoo kalena aan loo ogolaan karin iney degto Hotel ku yaalla Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa ugu hanjabay cid walbo oo dhinac marta ammarkaas iney tallaab adag ka qaadi doonaan.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u liitay muddooyinkan, waxaana magaladaasi ka dhacay dilal qorsheysan iyo falal kale oo ammaan darro ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.