Ambassador Susan Rice ayaa ku faantay Qorshe Tirtirid Kooxda Shabaab

Moqadisho (KON) - Safiirada Mareekanka u fadhiya Golaha Amaanka ee Q/Midoobay oo warbixin Siiyey Gudiga Golaha Amaanka ayaa sheegtay in lagu guleystay guud ahaan la dagaalanka Argagixisada Aduunka gaar ahan Argagixisada Kooxda Al Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Ambassador Susan Rice ayaa ku faantay Qorshe Tirtirid Kooxda Shabaab

Ambassador Susan Rice,waxay tiri “ Argagixisada Al Qacida iyo Shabaab waxay dhibaato fara badan ku hayaan wadamada Geeska Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya, Dawlada USA waxaay Go’oaan ku gaartay in ay ka sifeeyn doonaan Dalalkaas”.

Siduu Qoray Wargeyska lagu Magacaabo “Washington Post” warbixinta Danjire Rice kuma ekeeyn Arimaha Soomaaliya oo kali ee waxaay ka hadashay Xasilooni darada Dalalka Jaad, Neyjeeriya, Kenya, Tansaniya, Kameruun. Waxuu kaloo Wargeysku Qoray in Golaha Amaanku isku raacay in la Xoojiyo la dagaalanka Burcada Badeeda.

Todoobaadkii la soo dhaafay ayeey aheyd markii ay Ciidamada Mareykanku ku soo dageen Magaalada Baraawe halkaas oo la sheegay in ay kala baxeen Nin Magaciisa laga sheegay AbuuTufaj.

Keydmedia.Net