AMISOM iyo CXDS oo dajiyay khidad howlgal oo ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa isla dajiyay bartilmaameedyo ay ku mideynayaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha mintidiinta ah ee kasoo hor jeeda Nabadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
AMISOM iyo CXDS oo dajiyay khidad howlgal oo ka dhan ah Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan laba maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray laamaha amniga ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen istiraatiijiyadda ciidamada amniga Soomaaliya ay ku yeelan karaan door hoggaamineed.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya, taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyi hawlgalayaasha caalamiga ah Soomaaliya.

Danjire Madeira ayaa yiri "Shirku wuxuu astaan ​​muhiim ah u yahay tubta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, halkaas oo ciidamada amniga ee Soomaaliya ay door hoggaamineed ka qaadanayaan howlahooda amniga, sida ku cad qorshaha Kala-guurka Soomaaliya." Wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha Midowga ayaa sidaas yiri markii uu si rasmi ah u furay shirka Arbacadii.

Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya waa furaha la soo gaarsiin karo waajibaadka AMISOM ee lagu heshiiyey bishii Diseembar 2017, markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamku ku heshiiyeen qorshe ku-meel-gaar ah oo ku saleysan shuruudo si ay ugu suuro gasho Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas'uuliyadda ammaankeeda.

Shirkan oo socday laba maalin ayaa aad looga hadlay “Qorshaynta Wadajirka ah iyo Isku-dubaridka Qorshe la iswaafajiyay oo ku aaddan in la xaqiijiyo Waqtiga iyo Hawlgalka Wax-ku-oolka ah ee Hawlgalka AMISOM”, waxaa kale oo shirkan lagu qiimeeyay horumarka laga sameeyay hirgelinta Fikradda Howlgalka ee AMISOM 2018-2021, waxaa looga hadlay is-waafajinta hawlgallada iyo qorshooyinka milateri , qorsheynta wadajirka ah iyo iskuduwida, dib loo eegay 2021 iyo Go'aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay 2568 (2021).

“Waxaan rabaa inaan muujiyo sida ay uga go'antahay dhamaan qorshayaashii aan isla meel dhignay oo aan cadeeyo in ciidamada XDS ay ka go’an tahay inay fuliyaan qaybtooda sidii lagu heshiiyey. Waxaan ugu baaqayaa qeybaha inay si dhab ah u tixgeliyaan shaxda iskudhafka qaabeynta oo ay ficil ku muujiyaan talooyinkooda oo dhan si aan u gaarno qorshayaasheena is waafajinaya, ”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Difaaca XDS, Jeneraal Odawa Yuusuf Raage, oo ku celceliyay in ciidamadooda, oo taageero ka helaya kuwa AMISOM. iyo la-hawlgalayaasha kale, ay dhisayeen awood ay ugu dambayntii AMISOM ugala wareegaan mas'uuliyadaha amniga.

Shirka ayaa soo idlaaday khamiistii iyadoo laga soo saaray qaraar ah in la raaco qorshe la waafajiyay oo dhamaan qeybaha AMISOM iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya ay si wada jir ah u fulinayaan, waxaana hagaya qorshaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee 2021 iyo Go'aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2568.

"Bilaha soo socda waxay muhiim u noqon doonaan fulinta go'aannadii aan isla qaadannay intii uu socday shirkaan. Markii howlgalka loo gudbayo wajiga xiga, halkaasoo la filayo in AMISOM ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiso mas'uuliyadda amniga ciidamada amniga ee Soomaaliya, qorsheynta wadajirka ah iyo isku dubaridka, iyo sidoo kale dib u qaabeynta ciidamada oo la waafajiyo ayaa awood u siin doonta howlgalka inuu ilaaliyo waxtarka hawlgalka, sidaas darteed, waxaan ku heli karnaa waqti iyo si wax ku ool ah uga jawaabno hanjabaadaha ka jira aaga aan masuulka ka nahay, ”ayuu yiri taliyaha howlgallada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Madeira khudbadiisii ​​ugu dambeysay ee shirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.