AMISOM oo ku dhawaaqday dar-dar gelinta Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgallada Midowga Afrika ee  AMISOM, Brig. Jeneraal Richard Otto oo kula hadlayay ciidamda furunta hore fadhiya ee AMISO ayaa ku war gleiyay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo ku dhawaaqday dar-dar gelinta Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ciidamada AMISOM

MUQDISHO - Soomaaliya: Taliyaha ciidamada AMISOM ee UGANDA Brig. Otto, iyo saraakiil sarsare  ayaa booqday saldhigyo kala duwan oo ay ka socdaan Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM. Taliyaha ayaa  waxaa uu la kulmay taliyayaasha iyo Ciidamada kala duwan ee AMISOM kuna sugan goobo kala duwan sida degmada Baraawe, Garoonka  Bali-doogle, Ceeljaale iyo degaanka Carbiska, waxa uu saraakiisha kala hadlay kordhinta la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

“Waxaan ku faraxsanahay u diyaar garowga dagaalka, waxaan sii wadeynaa inaan hoos u dhigno awoodda cadawga Al-Shabaab, isla markaana waxaan kordhineynaa dagaalka aan kula jirno ”  ayuu yiri Brig. Otto oo ku dhiirri galinayay ciidamada in ay jilbaha u aasaan sidii ay Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaanada ay xoogga ku haystaan, dalka intiisa kalena khalkhalka ay ku hayaan loo joojin lahaa.

Taliye Brig. Otto wuxuu ku ammaanay saraakiisha, ragga iyo haweenka isugu jira inay u hogaansameen talaabooyinka looga hortagayo Cudurka faafa ee adduunka oo dhan halakeeyay ee Corona Viruse COVID-19. Wuxuu ku boorriyay ciidamada inay sii wadaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada martida loo yahay ee ku sugan deegaanada ay howlgalka ka wadaan.

Ciidamada Uganda  ee ka tirsan AMISOM  ayaa ah ciidamadii ugu horreeyay ee la keenay soomaaliya tan iyo billowgii howlgallada AMISOM ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. waxayna kala kulmeen dhibaatooyin isugu jira qaraxyo iyo weeraro ka imaanaya kooxda Al-Shabaab oo ka dagaallanta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.