AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada ayaa kasoo baxay Saldhiga ay ku leeyihiin degaanka Buurane, markii lala eegtay qaraxana waxa ay fureen rasaas oo aan wax qasaaro ah geysan.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabeellaha Dhexe

MAHADDAAY, Soomaaliya - Qarax miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi xilli ay marayeen degaanka Buurane oo u dhaxeeya degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa kasoo baxay Saldhiga ay ku leeyihiin degaanka Buurane, markii lala eegtay qaraxana waxa ay fureen rasaas oo aan wax qasaaro ah geysan.

Masuuliyadda Qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab, iyagoo barahooda Internet-ka ku daabacay in qaraxaasi ay ku dileen laba katirsan Ciidamada Burundi inkastoo aysan jirin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya warkooda.

Wax war ah kama aysan soo saarin saraakiisha Ciidamada Burunti ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha dhexe, hayeshee qaraxan lala eegtay ayaan aheyn mid ku scusub ciidamadan ku sugan deegaanka Buurane, dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale loogu weeraray iyaga oo ku socdaalaya inta u dhaxeeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.