AMISOM oo Saraakiil ‘u tababbaraysa’ amniga doorashooyinka

Saraakiisha tababbarka ka qeybgalay ayaa tiro ahaan gaarayay 45 sarkaal, oo laga soo xulay ciidanka booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo Saraakiil ‘u tababbaraysa’ amniga doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - AMISOM ayaa sheegtay in ay tababar socday lix maalin usoo xirtay xubno ka tirsan laamaha amniga dalka.

Tababarkaan oo ka dhacay Xarunta Hawlgallada Wadajirka ee Banaadir ayaa la xiriira sida loo sugi karo amniga doorashooyinka ee dalka ka socda, sida lagu faafiyay bayaankaan kasoo baxay AMISOM.

Saraakiisha tababbarka ka qeybgalay ayaa tiro ahaan gaarayay 45 sarkaal, oo laga soo xulay ciidanka booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Qaabka loo sameeyo baaritaannada dambi baarista iyo ilaalinta xogaha sirdoonka ayaa la baray muddadii uu u socday tababarkaan. 

Augustine Magnus Kailie, Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)  - ahna Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska ayaa tilmaamay in AMISOM iyo la-howgalayaasha caalamiga ah ay wadajir uga shaqeynayaan xarunta Hawlgallada Wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga, kalsoonida, iyo daacadnimada hannaanka doorashada.

Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa xusay in AMISOM ay ku guuleysatay inay ka hirgeliso Soomaaliya 12 goobood oo lagu howlgalo guud ahaan dalka.

Tababbarkan la siiyay ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan ee ku sugan caasimadda dalka ayaa qeyb ka ah silsilado aqoon kororsi ah, kuwaas oo horay loogu soo qabtay ciidamada booliska maamul goboleedyada dalka.

AMISOM ma aysan shaacin qaabka loo soo xushay saraakiishaan. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.