AMISOM oo baaritaan ku wada duqeyntii Kenya

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa faafin deg-deg ah kasoo saaray dacwadii uu dhawaan gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya taasoo lagu eedeeyay in Kenya ay ka geysatay gudaha Soomaaliya Duqeyn!

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo baaritaan ku wada duqeyntii Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in iyada oo laga jawaabayo qoraalkii dhawaan ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay baaritaan ku samaynayso weerarkii dhinaca cirka ee lagu qaaday Gobolka Gedo, kaas oo lagu eedeeyay dal ka mid ah wadamada ciidamada ugu deeqay Amisom in uu fuliyay weerarkaas.

"Amisom ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan dhacdada laga soo sheegayo gobolkaas", ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay AMISOM, iyaga oo intaasi ku daray in ay si dhaw ula shaqaynayaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Warbixinta AMISOM laguma xusin magaca dawladda Kenya oo weerarkaasi ka danbaysay, sida ay sheegtay dawladda Federaalka Soomaaliya. balse waxaa lagu muujiyay in baaritaan lasameyn doono dhacdada lagu laayay dadka shacabka oo duqeynta diyaaradeed lagu laayay.

Halkan ka akhriso faafinta warkan:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.