Amisom iyo Al-shabaab oo Muqdisho ku dagaalamay

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Amisom iyo Al-shabaab oo Muqdisho ku dagaalamay

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Ciidamo ka tirsan Alshabaab waxaaana la sheegay inuu geystay qasaaro labada dhinac.

Waxaa la sheegay in dagaalka uu yimid ka dib markii ciidamada Dowlada Iyo kuwa AMISOM ay isku dayeen inay isku balariyaan xaafadaha Degmada Kaaran iyadoo markii dambe ay iska cabin kala kulmeen Alshabaab.

Inta laga warqabo 8 ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay waxaana wararka ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degen iyadoo Xaafado cusub lagu arkaayo inay gaareen ciidamada AMISOM.

WWW.KEYDMEDIA.NET




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.