Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Suldaan Ibraahim Caliyow oo kamid ah waxgaradka gobalka Shabeelaha hoose kana mid ahaa dadkii kulanka la qaatay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay kala hadleen sidii looga hortagi lahaa tacadiyada kala duwan ee shacabka gobalkaasi ay la kulmaan.
Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay ugudbiyeen cabashooyin ku aadan dhaca iyo kufsiga gobalkaasi laga geesto in si buuxda ciidanka AMISOM ay uga hortagaan si aysan u dhicin falal dhibaatooyin ah.
Shacabka ku nool gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa inta badan jeediyaan cabashooyin kala duwan oo ku aadan inay dhibaatooyin kala kulmaan rag wata tuutaha ciidanka dowladda Soomaliya.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments