AMISOM oo beenisay in laga itaal roonaaday

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho Bridge Bahuko ayaa sheegay in aanu waxba ka jirin wararka sheegaya in laga itaal roonaaday Ciidamada AMISOM Dagaaladii ka dhacay Degmooyinka Magaalada Muqdisho qaarkooda.
Warar Keydmedia Online
AMISOM oo beenisay in laga itaal roonaaday

Hadalkan ka soo baxay Bridge Bahuko ayaa waxa uu imanaaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo wada jira looga itaal roonaaday Dagaaladii maalmahan Socday.

"Ma jiro waxa kulan dag dag ah oo aan yeelanay, hadii aan kulan yeelanay kaliya waa midkeenii caadiga ahaa" sidaa waxaa yiri afhayeenka AMISOM oo warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Inkastoo hadalkani uu ka soo yeeray Afhayeenka AMISOM ayaa hadana waxaa jira in dagaalka uu wali sii socda isla markaana ay suurta gal tahay kulankaasi uu yimid kadib markii la soo durkiyay.

www.keydmedia.net