AMISOM oo dib ugu soo baxday Goobo ku yaalla duleedka Muqdishu

Muqdishu (Keydmedia) - Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in saaka ay isaga soo baxeen Labo Goobood oo Todobaadkii tagay ay saldhigyo ka samaysteen oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
AMISOM oo dib ugu soo baxday Goobo ku yaalla duleedka Muqdishu

Labada Goobood ayaa waxay ku taalaan meel ku dhow Xaruntii Ciidanka Asluubta iyo Maslaxa oo qiyaastii 30-km u jira Isgoyska Ex-control Afgoye dhanka Koonfureedka ka jira Muqdishu.

Waxaana si gaar ah u degay Goobahan markii hore Ciidamada ka socda dalka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM eek u sugan Muqdisho.

Labada Saldhig waxaa hore ugu sugnaa Kooxda Al Shabaab balse Dagaal ay qaadeen AMISOM oo wata taangiyo iyo Hub culus ayaa ayaa la wareegay Talaadadii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa waxay sheegeen in ay Gacanta ku dhigeen laabada Goobood oo ay ku tilmaameen in ay muhiim u yihiin kahortagida Qaraxyadda iyo Weerarada ay Al-shabab ku waxyeeleynayaan Ammaanka Magaalada Muqdisho laakiin hadda ay kasoo baxeen oo ay dib Fariisamahoodii hore uga soo laabteen.

Lama oga sababta rasamiga ah ee ka danbaysa Tallabadan ay dib uga soo baxeen AMISOM Goobahii dhowaan ay ka degeen duleedka Muqdisho.

Keydmedia.net.net – Muqdisho