Amisom oo Duqeesay Dad Rayid ah

Muqdisho (Keydmedia) - Amisom ayaa galabtay Madaafiic ku garaacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo ah meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin dadki ka barakacay dagaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Amisom oo Duqeesay Dad Rayid ah

Madaafiic kale ayaa iyana ku dhacay deegaanada u dhaw dhaw sida Taree Dishe iyo xaafado kale oo ay ku suganyihiin dad rayid ah.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro qasaaro xoog leh oo gaaray dad rayid ah iyo sidoo kale in madfac uu ku dhacay gaari rakaab ah, wararka na soo gaaray waxey sheegayaan in ilaa hada 13 Qof ey ku dhimatay.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho