Amisom oo ka hadashay Dagaalkii Afmadow

Muqdisho (KON) - War ay soo sareen Ciidamada Midowga Afrika kaga sugan Soomaaliya AMISOM ayaa shegay in askartooda ku sugan Jubooyinka ay toogteen ugu yaraan 24-Dagalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo ay ku jireen 3-qof oo ay ku sheeegen in ay ahayen kuwo Shabab dibada uga yimid.
Warar Keydmedia Online
Amisom oo ka hadashay Dagaalkii Afmadow

Amisom ayaa sheegtay in iyagoo iskaashana ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ka horgeen Weerar ay qorshenayeen dagaalamayaal Al-Shabab ah.

Warka sidoo kale waxa lagu yiri in dagaalka dhex maray ciidamada amanka iyo kuwa amisom oo dhinac iyo kuwa xarakada al-shabab ay ka dhalatay in ay ku geeriyoodaan 2-kamid ah ciidamada amanka Somalia halka ay 4-kalana ay uga dhawacmeen.

Dhanka Al-shabab qasaraha soo garay ayey ku sheegen in ay garayso ilaa 24-dagalamayal oo werarka looga dilay.

Dadka ajaanibta ah ee werar ka loga dilay ayaa lagu sheegay in ay kasoo jedan qaaraada ASIA HALKa qofkii hogaminayay dagaalka uu ahaa qof dibada uga uga yimid shabab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho