Amni darro soo wajahday Galkacyo

Galkacyo(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xaalado amni darro.
Warar Keydmedia Online
Amni darro soo wajahday Galkacyo

Amni daraddan ayaa ka danbeysay kadib markii darraad ay beelo xoola dhaqata ah ay ku dagaalameen deegaan ku yaala duleedka magaalada Galkacyo meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha.

Dhanka kale shalay ayaa gudaha Suuqa magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dilay nin ganacsado ah, waxaana taasi ay sababtay in hakad uu ku yimaado dhaq dhaqaaqa ganacsi ee suuqa magaalada Galkacyo.

Laba bilood ka hor ayaa waxaa gudaha magaalada Galkacyo gaar ahaan dhanka koonfureed ka dhacay dilal wallow markii danbe maamulka Galmudug uu ku guuleestay in arintaasi xal laga gaaro.

 

www.keydmedia.net