Amniga Caasimadda oo sii xumaanaya

Amniga Caasimadda ayaa u eg mid faraha kasii baxaya, waxana 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaaaladda qaraxyo ay ku naf waayeen ilaa 6 ruux.

Warar Keydmedia Online
Amniga Caasimadda oo sii xumaanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Amaanka Caasimada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya, waxana 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qaraxyo ay ku naf waayeen ilaa 6 ruux.

Inta la xaqiijiyey 3 ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka badan oo aan weli la shaacina wey ku dhaawacmeen Qarax gabal dhicii shalay ka dhacay Isgoyska Fagax ee Dagmada Yaaqshid.

Qaraxan oo uu isku soo xiray qof naftii halige ah ayaa ka dhacay Maqaayad ku taala Isgoyska Fagax oo ay inta badan isugu yimaadaan dhalinyarada, waxana dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dhalinyaro goobtasi ku ciyaareysay ciyaarta loo yaqaano dibnadda.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa, waxase inta badan falalka ceynkan oo kala ah Muqdisho ka fuliya kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale, galinkii hore ee shalay ayaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida Dayniile Cabdishakur Raage iyo 3 ka mid ah ilaaladiisa, xilli ay ku sugnaayeen Deegaanka Ceel Shaale ee Duleedka Dagmadaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida Dayniile, iyagoo xusay in sidoo kale ay qaraxaasi ku dileen 11 ka mid ah askartii la socotay, sida lagu daabacay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya xaalad amni darro ee Muqdisho oo u eg mid ka sii dareysa, Mas'uuliyiintii Gobolka Banaadir ayaa ku mashquulsan doorashada iyo oolalaha tartanka Xildhibaanimadda. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.