Amniga Muqdisho oo kulan deg deg ah laga yeeshay

Hay'adaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Amniga Muqdisho oo kulan deg deg ah laga yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adaha amaanka dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Muqdisho, taasoo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid faraha ka sii baxeysay.

Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga hadlay dar-dar gelinta xaaladda guud ee Muqdisho, iyadoonna la isku raacay in la sameeyo howlgallo iyo baaritaanno joogta ah oo laga sameynayo xaafadaha Muqdisho, iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee lagu dhex wato magaalada. 

Kulankaan ayaa waxa shir guddoominayay kusimaha duqa Muqdisho ahna guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir,
Axmed Xasan Iimaan, waxaana sidoo kale goob-joog ka ahaa guddoomiye xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka guud ee amniga caasimadda, Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga codsaday shacbka Muqdisho in ay labo jibbaaraan wada-shaqeynta laamaha ammaanka, islamarkaana ku soo war geliyaan falalka lidda ku ah amniga ee ka dhacaya caasimadda.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid faraha ka baxay, waxaana ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah, kaasoo ugu dambeeyay kii lagu qaaday Elite Hotel oo ay ku nafwaayeen in ka badan 15 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.