Amniga Muqdisho oo la isku haysto

Cali Yare ayaa ku magacaaban Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir, waxaana loolan adag kala dhaxeeyaa Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur.

Warar Keydmedia Online
Amniga Muqdisho oo la isku haysto

MUQDISHO, Soomaaliya - Amaanka Muqdisho ayaa galay is-jiid-jiid iyo loolan xafiisyada Farmaajo iyo Rooble, iyadoo doorashadda Gollaha Shacabka la filayo inay dib uga billaabato.

Loolanka ugu adag hadda wuxuu u dhaxeeyaa Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Wasiirka Amniga.

Cali Yare oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur amarkiisa ka shaqeyn doonin Muqdisho, si lamid ah Boosaaso, Gaalkacyo iyo Kismaayo.

Hadii warqadaha Wasiirka Amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo, ma jirto sabab culeys gaar ah loo saari karin shacabka G/Banaadir," ayuu yiri Cali Yare.

Amniga magaaladda Muqdisho inta doorashadda socoto ayuu sheegay Cali Yari in mas'uuliyadiisa saaran tahay maamulka Gobolka Banaadir, si lamid ah Maamulada kale, ee dalka ka jira.

Wasiirka C/llaahi Maxamed Nuur iyo Cali Yare ayaa khilaafkooda sii xoogeystay dhawaan kadib markii la baajiyay dibadbax Farmaajo lagu taageeri lahaa iyo kuwa looga soo horjeeday.

Cali Yare ayaa lagu yaqaanaa inuu si indha la'aan ah u taageero Farmaajo, halka Wasiirka Amniga uu isna la safan yahay Rooble, taasoo meesha ka saaraysa danta qaranka iyo amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.