Amniga Muqdisho oo loo baqayo

Saraakiishii amniga sugi lahaa waxay ku mashquuleen arrimo siyaasadeed oo aanay shaqadooda ahayn.

Warar Keydmedia Online
Amniga Muqdisho oo loo baqayo

Waxaa xilligan loo baqanayaa ammaanka magaalada Muqdisho oo la filayo in doorashooyin ay ka dhacaan, sidoo kalena uu ka muuqdo baylah dhanka ammaanka ah.

Quburada amniga ayaa sheegay in DFS ay dayacaad amni xilligan sameysay, islamarkaana is dhigatay, xilli la rabay in xoogga la saaro sugidda amniga iyo la shaqeynta shacabka.

Waxyaabaha DFS lagu eedeynayo waxaa ka mid ah, in shacabkii aanay wax wadashaqeyn ah la yeelay, islamarkaana shacabka iyo dowladdu aad moodo iney col yihiin.

Sidoo kale, ciidankii ammaanka sugi lahaa oo ku qayila maqaayada iyo sidoo kale sandaqadaha looga dhisay isgoysyada Xamar, kuwaasi oo ah kuwii ay ammaanka ku sigi lahaayeen.

Korneel Shariif Roobow oo qabiir amni ah, wuxuu sheegay in waqtigan ay tahay xilligii amniga Muqdisho mas'uuliyadda weyn la iska saari lahaa.

"Ammaanka ayaa muhiim ah in laga shaqeeyo, kolley hadda dabacsanaan waa ay jirtaa...xilliga doorashada waxay ahayd in amniga gacan adag lagu qabto"

Xilli walbo ayeey amni darri ka dhici kartaa magaalada Muqdisho, iyadoo aanay muuqan qorshaha DFS ee ammaanka magaalada ku sugeyso.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.