Amniga Muqdisho oo faraha ka baxay iyo DF oo shaqada joojisay

Waxaa maal-mihii ugu danbeeyey caasimadda dalka ka dhacayey falal lidi ku ah amniga, mana jirto wax jawaab sugan ah oo laga hayo hay'adaha amniga ee arintaasi ku shaqada lahaa.

Warar Keydmedia Online
Amniga Muqdisho oo faraha ka baxay iyo DF oo shaqada joojisay

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka ku nool Caasimadda Soomaaliya, ayaa walaac fara badan ka muujinaya xaalad amni darro ee Muqdisho, oo iminka ah mid sii xummaaneysa.

Bulshada Muqdisho ayaa ku eedeynaya hay'adaha amniga in ay ka gaabiyeen howshoodii sugida amniga, mana jirto wax shaqo ah oo ay qabtaan, waxayna ku milmeen siyaasadda.

Saddex qarax oo waaweyn ayaa bishan ka dhacay Caasimadda, kuwaasoo lagu dilay dad shacab ah iyo mas'uuliyiin, iyadoo ay weerarada ay barbar socdaan dilal beegsi ah.

Toddobaadkii tagay waxaa Caasimadda lagu dilay labo Nabadoon oo caan ahaa, waxaana mid kamid ah loogu galay gurigiisa, taasoo bidhaamineysa inta uu la eg yahay dayaca amni.

Xalay ayey sidoo kale ahayd, markii Muqdisho lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Afrika, kaasoo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagu beegsaday gaarigiisa, oo uu fuliyey qof naftii haligge ah oo isku soo xiray walxaha qarxa.

Inta badan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab, iyadoo dhacdooyinkan ay yihiin kuwa si cad u tilmaamaya in hay'adihii amniga ay gabeen shaqadooda, waana mid noqotay wal-wal ay ka hurdi waayeen dadka Caasimadda ku dhaqan.

Afartii sano ee Farmaajo uu Villa Somalia fadhiyay, waxaa ka dhacay dalka weeraro aan horey Afrika iyo dalka uga dhicin, waxaana kamid ah qaraxii Zoobe Oct 14 kaasoo lagu dilay kun qof.

Amniga waxuu kamid ahaa balan-qaadyadii Farmaajo markii la doortey, oo uusan waxba ka qaban. Xiligii uu talada la wareegayay halkii uu joogey amniga Maanta wuu ka xun yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.