Ansixinta BF ee RW Rooble oo lasoo dhawaayay

Farmaajo ayaa ku amaaney Ra'iisul wasaaraha cusub inuu yahay shaqsi uu ku aamini karo howsha uu u igmadey, isagoo uga mahadceliyay Gollaha Shacabka kalsoonida ay siiyeen.

Warar Keydmedia Online
Ansixinta BF ee RW Rooble oo lasoo dhawaayay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay kalsooni siinta Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo u rajeeyay inuu kasoo dhalaalo shaqada culus, ee loo dhiibay.

"Ergada Midowga Yurub ee Soomaliya waxay hambalyo u diraysaa Maxamed Rooble oo loo ansixiyay in u noqdo Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaliya. Waxaan u rajaynaynaa guul wax ku ool ah u ka gaaro dhabaha degaanashaha, ka wada qeyb qaadasho iyo in Soomaliya gaadho baraaro," ayaa lagu yiri Qoraal EU-da soo saartey.

Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa sidoo kale hambalyo u diray Rooble, iyadoo qoraal kasoo baxay UNSOM lagu sheegay in Ra'iisul wasaaraha uu la wareegay hogaanka xili adag, oo wadanka galay xaalada kala-guur.

"Qaramada Midoobey waxay Rooble ugu hambalyaynaysaa kalsoonida uu Baarlamanka siiyay, waxayna u rajaynaysaa guul maadaama uu la wareegayo hogaanka xiligii ugu adkaa taariikhda dalka. QM waxay la garab taagan tahay Rooble taageero, midnimo iyo wada-shaqeyn," ayaa lagu sheegay qoraalka UNSOM.

Sidaas oo kale, safiirka UK Ben Fender ayaa yiri: Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Maxamed Rooble oo loo xaqiijiyay inuu noqday Raiisel wasaare. Waxaan rajeynaynaa inaan yeelan doono wada shaqeynta ugu dhow arrimaha mudnaanta leh, sida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga, wax ka qabashada Al Shabaab iyo caawinta dadka nugul. Hambalyo!.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.