Aqalka Sare oo diiday hannaankii loo maray dhismaha adeegga garsoorka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa soo saaray qoraal uu ku caddeynayo hannaankii loo maray dhismaha adeegga garsoorka dalka, kaasoo uu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Aqalka Sare oo diiday hannaankii loo maray dhismaha adeegga garsoorka

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kasoo horjeestay hanaankii loo maray shimaha Goalaha Addeegga Garsoorka Soomaaliya oo ay horey u ansixiyeen labada gole ee kala ah kan Xukuumadda iyo kan Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS iyadoo ugu dambeyn uu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Xaashi ayaa qoraal kasoo saaray hannaanka loo maray dhismaha oo uu ku sheegay in ay tahay mid sharci darro ah, maadaama aan lasoo marsiin Golaha Aqalka Sare ee BJFS. qoraalka ayaa lagu sheegay in lala socdo xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9-ka xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha guud.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.