Aqalka Sare oo Gudi u magacaabey doorashadda

Magacaabista ayaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedya dalka.

Warar Keydmedia Online
Aqalka Sare oo Gudi u magacaabey doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ayaa magacaabey Maanta oo Khamiis ah gudi ka kooban 7 xubnood, kaasoo soo diyaarin doono hanaanka doorashadda Xildhibaanada loo qoondeeyay gobollada waqooyi, ee Somaliland.

Gudiga waxuu ka kooban yahay:

1 - Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle [Gudoomiye]

2 - Maxamed Cumar Carte oo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka soo noqdat dawladii Xasan Sheekh,

3 - Saciid Maxamed Maxamuud Xayd,

4 - Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, sii hayaha Wasiirka Warfaafinta,

5 - Maxamed Cali Xagaa,

6 - Jamaal Xasan Ismaaciil,

7 - C/risaaq Axmed Cali.

Magacaabista ayaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada, oo dhawaan heshiis doorasho oku saxiixday Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.