Aqoonyahan Britain ka yimid oo Xalay Muqdisho lagu Dilay

Muqdisho (Keydmedia) - Kooxo ku labisan dharka Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa xalay fiidkii Magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toobtay Dr Cabdixakiim Maxamuud Khaliif Shire oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo dhawaan ka yimid Dalka Britain.
Warar Keydmedia Online
Aqoonyahan Britain ka yimid oo Xalay Muqdisho lagu Dilay

Dr Cabdixakiim Maxamuud Khaliif waxaa ay kooxahaan hubeysan ay ku dileen Guriga uu ka degganyahay Muqdisho oo ay gudaha ugu galeen, waana ay baxsadeen marka ay dilka geysteen.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu dhowaan ka yimid Wadanka Britain halkaasoo uu in mudda ah ku noolaa waxana uu ahaa aqoonyahan wax ku soo bartey isla wadankaasi,waxaana geeridisu taaban doontaa shacabka soomaaliyeed dal iyo dibedba.

Magaalada waxaa ka jira kooxo dharka Ciidamada Dowladda ku labista oo dlal qorsheysan ka fuliya xiliyada galbihii iyo habeenkii ah, ayadoona hadda ay xaaladu mareyso in kooxahaasi ay dadka guryaha ugu dhacaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho