Araday ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Qarax kadhacay barqanimadii maanta degmada Dharkeynley ee gobalka Banadir ayaa waxa uu sababay dhaawacyo soo garay arday mareysay agagaarka halka uu qaruxu ka dhacay
Warar Keydmedia Online
Araday ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in qaar kamid ah askarta dowlada Kg Soomaaliya oo iyaga qaraxa lala eegtay iyana uu dhaawac soo gaaray, iyada oo ilaa hada aysan jirin cid sheegatay iyo cid loo soo qabtay masuuliyada weerarkasi


Ardada ku dhaawacantay qaraxa miino oo la’aaminsanyahay in uu ahaa miinada rumuutka laga hago, ayaa waxaa loola cararay isbitaalada magaalada si loola tacalo, iyada oo wararkii ugu danbeeyay ay sheegatyaan in qarkoood ay aad u ildaranyihiin.

Qaraxyada ladhigo wadada dhineceda, weerarada goolka foolka ah ee ay isaga hor imanayaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaalliya iyo dhibaatooyinka kale oo dhan waxa ay musiibada ugu badan ku yihiin shacbaka Soomaakliyeed.

www.keydmedia.net