Arday iskuul dibad bax ka dhigtay Boorame

BOORAME(KEYDMEDIA) Magaalada Boorame ee gobalka Awdal ayaa la soo warinayaa in arday iskuul ay ka dhigtay dibad bax rabshada wata kadib markii la hakiyay imtixaan ay u fadhiyeen.
Warar Keydmedia Online
Arday iskuul dibad bax ka dhigtay Boorame

Laamaha waxbarashada ee gobalka awdal ayaa waxa ay sheegeen in la tuhmay ardayda dibad baxday in ay heleen qishka imtixaanka taasina ay aheyd sababta loo joojiyay imtixaankooda, waxaana ay dhiganayeen ardayda dibad  baxday fasalka labaad ee dugsiga sare.

Ardayda gadooday ayaa waxa ay burburiyeen xafiisyo iyo qalab kale duwan iyadoona kolkii danbe ay soo kale dhex galeen ciidamada amniga kuwaasoo hakiyay dibad baxyadii rabshadaha watay.

WWW.KEYDMEDIA.NET