Arday ku dhawaacantay rasaas dhex martay ciidanka Dowladda

Muqdisho(Keydmedia) is rasaaseyn saakay ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah isla markaana ka dhacday degmada wadajir ayaa sababtay dhaawac soo gaaray arday ku sii jeeday iskuul.
Warar Keydmedia Online
Arday ku dhawaacantay rasaas dhex martay ciidanka Dowladda

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday goob gaadiidka dadweynaha looga qaado lacago oo ku taala xaafada buula-xuubeey meel ku dhaw sarihii xukuumadii Milatariga ay u dhistay Shaqaalihii Shirkadda diyaaradaha ee Somali airline.

Goobjooge deegaanka ah oo la hadlay keydmedia kadib markii ay rasaasta joogsatay ayaa sheegay in dhaawacyo fudud ay israsaaseynta ka soo gaartay arday ku sii jeeday iskuulo ku yaala deegaanka.

Dhanka kale ciidamada isku maandhaafay lacagta isbaarada ah ayaa dhankooda waxaa kala gaaray dhimasho iyo dhaawac waxaana la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen laba halka seddex kale uu dhaawac ka soo gaaray.

Goobta iska horimaadka uu ka dhacay ayaa ah goob mashquul badan isla markaana dadka iyo gaadiidkaba ay si weyn u adeegsadaan.

Ma jiro mas’uul ka tirsan degmada ama talisyada ciidanka oo ka hadlay shaqaaqada maanta dhacday, laakiin shaqaaqooyinka ceynkan ah ayaa badanaaba ka dhaca gudaha muqdisho.

WWW.keydmedia.net