Ardayda Dugsiga Sare oo saaka u fariisanaya Imtixaanka DFS

Imtixaanka sanadkaan ee Wasaaradda waxbarashada ayaa lagu soo kordhiyay fasallada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Ardayda Dugsiga Sare oo saaka u fariisanaya Imtixaanka DFS

MUQDISHO, Soomaaliya – Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka oo Sabti ah July 18, 2020 u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya qaadeyso sanadkii lixaad oo xiriir ah.

In ka badan 34-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.