Robbery at gunpoint on the rise in Somali capital
Magaala xeebeedka Hobyo ayaa ku jirta hadda soo kabasho, waxaana ka socda dib u dhis iyo maalgashi ballaaran.
HOBYO, Soomaaliya - Magaaladda Hobyo, oo kamid ah kuwa uga faca-weyn magaalooyinka dalka Soomaaliya, oo leh Taariikh fog, ayaa hadda heshay Waxbarasho heer Dugsi Sare ah, taasoo farxad gelisay kumanaan arday ah, oo degaanno kale u aadi jiray Waxabarasho marka ay Dugsiga Hoose/Dhexe ay ka baxaan.
Waxaa aafeeyay magaaladda Burcad-badeed iyo Al-Shabaab oo ka reebay horumarka magaalooyinka kale ka jira, laakiin markii ay soo gashay gacanta Galmudug ayaa nolosha dib usoo laabatay, oo dadkeeda ay billaabeen inay waxbaraan ubadka, taasoo ah sida kaliya ee looga badbaadin karo dhalinyarada inay u gacan galaan kooxaha xagjirka ah.
Lacag lagu qiyaasay $100,000 ayaa ku baxday dhismaha Iskuulkan cusub ee Dugsiga Sare, iyadoo la sheegay in dhaqaalahan uu ka yimid dadka degaanka iyo Siyaasiyiinta ku metala dowladda Soomaaliya, waxaana wajiga 1aad wax lagu barayaa 100 arday.
Ardayda waxay ahaayeen kuwa xaalad rajo dhig ah ku jiray kahor inta aan la furin Iskuulka, waxayna qarka u saarnayeen inay joojiyaan riyadooda, oo ay ku biiraan Ciidanka ama Al-Shabaab, laakiin markii la furay Iskuulka ay gashay rajo wanaagsan inay waxbarashadooda dhameysan karaan iyagoo degaankooda jooga.
Dhibaayiinka Hobyo ka jira waa kuwa aad u badan, balse soo kabasho ayay ku jirta magaaladda, oo hadda dib usoo laabanayaan dad badan oo maalgashiyo ku sameynaya ganacsiga iyo kalluumeysiga, oo caan ku tahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments