Ardaydii ugu badnayd oo ku dhacday Imtixaanka Dowladda

Ardayd ku sugan degaanada Puntland ayaan sanadkii 2aad galin Imtixaanka Mideysan ee dowladda ay qaadayso, iyadoo maamulka Garowe ka jira lagu eedeeyay inuu siyaasadeynayo Waxbarashadda ubadka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Ardaydii ugu badnayd oo ku dhacday Imtixaanka Dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Maanta oo Axad ah Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka 2019-2020, kaasoo sanadkan ay ku dhaceen ardaydii ugu badnayd amid tan iyo markii la billaabay Imtixaanka mideysan dowladdii Xasan Sheekh.

Gobolka Banaadir ayay Wasaaraddu sheegtay in 7-kun oo ardey ay Imtixaanka ku dhaceen, taasoo ka dhigan in tirada ugu badan ardeyda dhacday ay yihiin kuwa gobolka Banaadir.

Tirada guud ee gashay Imtixaanka waxay gaareysaa 33,727, waxaa baastay 25,177. Ardayda ku dhacday guud ahaantooda waa 8,550 [Wiilal: 5,231 Gabdho: 3319 ]. Waxay Wasaaradda sidoo kale shaacisay 100-ka arday ee ugu dhibcaha badan Imtixaanka 2019-2020.

Waxyaabaha la yaabka leh ayaa ah in 4ta Iskuul ee ugu saraysa ay ku yaallaan gobolka Gedo oo Farmaajo kasoo jeedo, waxay kala yihiin 2 Garbahaarey 1 Luuq iyo 1 Baardheere.

Imtixaanka lagama galin Puntland, Somaliland iyo degaanada ay Al-Shabaab, waxayna dowladda ku qabatay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolka Banaadir iyo HirShabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.