Ardaydii ugu badnayd oo ku dhacday Imtixaanka DF

Waxay tirada ugu badan ka dhaceen gobolka Banaadir, oo ay ku yaallaan xarumaha ugu badan waxbarashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Ardaydii ugu badnayd oo ku dhacday Imtixaanka DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya Maanta oo Khamiis ah shaacisay natiijadda Imtixaanka mideysan ee dowladda ee Dugsiga Sare [Safalka 12-aad].

Arday gaareysa 49,908 oo ka kala yimid Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir ayaa galay Imtixaanka bil kahor, waxaana lagu qabtay 122 xarumood, sida ay sheegtay Wasaaradda.

Tiro aad u badan oo gaareysa 4,646 ayaa ku dhacday Imtixaanka, iyadoo ay ka gudbeen 30,262, oo Wiilal iyo Gabdho isagu jira, waxayna Wasaaraddu shaaciday 10-ka arday ee ugu natiijadda fiican Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Wiil lagu magacaabo Cawaale Axmed Awcali Barre, oo dhigta Iskuul ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo ayaa galay kaalinta 1aad, isagoo ku guuleystay 95.43%, waxaana ku xiga oo kaalinta 2aad galay Maxamed Cali oo katirsan Iskuul ku yaalla Muqdisho kaasoo keenay 95%.

Lama oga sababta sanad walba gobolka Banaadir uga dhacaan ardayda ugu badan Imtixaanka mideysan ee dowladda, waxayna u muuqataa in ay jirta saameyn dhanka isticaamla baraha bulshada iyo tiknoolojiyadda, maadaama dhalinyarada si xad ka bax ah u isticmaalaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.