Argagixiye Xasan Daahir oo Xabsiga NS ku xiran // Warbixin

Muqdisho (KON) - Xalay ayaa Xasan Daahir Aweys oo Gacmaha Jeebo la isku dhaafsiiyay laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Warar Keydmedia Online
Argagixiye Xasan Daahir oo Xabsiga NS ku xiran // Warbixin

Ka hor intii aysan diyaaraddu soo caga dhigan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa halkaa ku sii sugnaa Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha Gudaha iyo gaashaan dhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Markii laga soo dajiyay Diyaaraddii sidday Xasan Daahir ayaa waxaa halkaa ka bilowdey hadalo muddo dheer soconayay iyadoo laga wada hadlayay sidii laga yeeli lahaa Wadaadka iyo halkii la gayn lahaa.

Muran dheer kaddib ayaa waxaa mar keliya is bedelay mowqifkii markii hore la waday ee ahaa in Xasan Daahir loola dhaqmayo si wanaagsan isla markaana aan wax dhib ah loo gaysanayn taasoo  goobta ay soo xaadireen Ciidamo nabad sugidda Dawladda Federaalka Soomaaliya ka socday kuwaasoo amar ku haystay in ay xiraan Xasan Daahir Aweys .

Odoyaashii, Saraakiishii iyo Xildhibaanadii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa ka Madax adeegay taasoo keentay in Ciidamadu xoog adeegsadaan isla markaana qaar ka mid ah xubnihii halkaa ku sugnaa la xiro.

Wax garadkii iyo Mas’uuliyiintii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa ku tilmaamay in xukuumaddu uga baxday balan qaadkii hore ee ahaa in aan wax dhibaata ah loo gaysanayn lana xirayn Xasan Daahir arrintaasoo si weyn ay uga xumaadeen.

Si kasta ha ahaatee Shiikh Xasan Daahir iyo Xubno la soo goostay lana socday ayaa iminka ku xiran Xarunta Nabad Sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn tallaabta taa xigta ee laga qaadi doono.

Waxaana haatan ku socota sidaan Saakay soo qornay, Wareysi darandoori ah.

Wixii kusoo kordha Xaalada Xasan Daahi kala soco Keydmedia.net oo Goobjoog ah

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Wadanka