Arsenal oo hakad gelisay Manchester U, Reja wanaagsanna gelisay kooxda Chelsea.

SPORTS(KEYDMEDIA)Kooxda Arsenal ayaa ciyaar si aad ah loo wada sugayay oo kadhacday garoonkeeda waxa ay guul darro dhabarka usaarisay kooxda heysa hogaanka horyaalka Engiriiska ee Manchester U kadib markii gool uu u dhaliyay kooxda Arsenal A. Ramsey daqiiqadii 56 –aad.
Warar Keydmedia Online
Arsenal oo hakad gelisay Manchester U, Reja wanaagsanna gelisay kooxda Chelsea.

Goolka uu dhaliyay  A. Ramsey waxa uu naxdin ku abuuray kooxda martida aheyd ee Man U. oo iyadau dooneysay in ay sii xajisato dhibcaha ay hoganka ku hesyo.

Guul daradda shalay lagaarsiiyay kooxda Man. U. waxa ay natiija gelisay kooxda Chalea oo ciyaarteedii sabdigii guul kagaartay, iyada oo sidoo kale ay tir tireyso caradii Arsenal ay kaqabtay guul daradii isbuucii hore kasoo gaartay ciyaar katirsaneyd horyaalka dalkaasi oo ay layeelatay Bolton.

Horyaalka dalka Ingiriiska waxa kadhiman oo kali ah 3 ciyaarood Chalseana waxa ay hada kahooseysa Man U. sedax dhibcood oo kali ah, waxaana taasi ay keeneysaa in hanashada horyaalku uu loolan galo.

 

Ciyaaraha kale oo laga dhelay England maalinttii shalay aheyd ayaa natiijadoodu ku soo idlaatay

Birmingham C.   1 - 1        Wolverhampton W.

Liverpool             3 - 0        Newcastle U.

Manchester C.  2 - 1        West Ham U.

Italy – Serie A

Kooxda  AC Milan ayaa waxa ay shalay kobacsatay dhibcaha ay ku heyso horyaalka dalkaasi kadib markii 1 – 0  ugu awood shegatay kooxda Bologna, iyada oo ciyaarihii sabdigii dhacayna kooxda dhibca ahana ku soo xigtay ee Inter Milan dhegta dhiiga loodaray.

Goolka AC Milan guushu ku raacday waxaa daqiiqadii sideedaad ee ciyaarta dhaliyay Mathieu Flamini, waxaana dhamaadkii ciyaarta garoonka laga saaray ciyaaryahanka F.D. Rocca ee u dheela kooxda Bologna, waxaana hada kooxda AC Milan hogaanka ay ku heysaa sided dhibcood xilli horyaalka guud ahan ay kaharsantahay sedax ciyaarood oo kali ah.

Kooxda AS Roma ayaa iyana waxa ay sedax dhibcood kala soo noqotay garoonka kooxda  Bari kadib markii ay ku suul daartay 3-2.

Kooxda Roma oo goolasha lagala hormaray ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu marsiiyay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Bari

Ciyaarta oo aheyd mid kulul waxaa garoonka dibada looga saaray sedax ciyaartooy o laba kamid ah ay u dhesho As Roma, waxaana goolasha Roma laba kamid ah oo gool kulaad ay ku jirto dhaliyay kabtankooda F. Totti

Ciyaaryahanada kala ah S. Perrotta  iyo D.D. Rossi  katirsan Roma iyo  K. Glik  oo u dheela ayaa calaamada guduudka ah loo taagay 90-kii daqiiqo ee ciyarta intii lagu guda jiray, waxaan dhamaan Roosooyinkaasi labixiyay qeybtii labaad ee ciyaarta

Ciyaaraha kale ee kadhacay Talyaaniga ayaa dhamaan waxa ay ahaayeen kuwa lakala badiyay.

Catania 2 - 0        Cagliari

Chievo  1 - 0        Lecce

Fiorentina           5 - 2        Udinese

Parma   3 - 1        Palermo

Sampdoria          3 - 3        Brescia

 KEYDMEDIA SPORTS DESK