Somalia warns severe drought could affect 8 million people
Qaraxa ayaa lala eegtay Kolonyo uu watay Col Saneey Cabdulle oo kamid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sidoo kale qeyb ka qaatay kahor taggii afgembiga Farmaajo.
JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 askari oo kamid ahaa militeriga Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar, oo katirsan G/Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka bartilmaameedkiisu ahaa Col Saneey Cabdulle, oo ah Sarkaal sare oo kamid ah Ciidanka xoogga dalka, kaasoo ka badbaadey isku-dayga dilka ah.
Dhowr askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo haleeyay mid kamid ah gaadiidka dagaalka galbinaysay Col Saneey, oo jidka loo galay xili uu kusii jeeday degmada Jowhar, xarunta HirShabeelle.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa saakay dhacay, kaasoo lagu qaarin jirin rabey Col Saneey, oo ah mid kamid ah Saraakiishii Badbaado Qaran ee kahor tagey afgembigii Farmaajo.
Col Saneey ayaa kusii jeeday Jowhar, oo lagu qabanayo doorashadda saddex kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, waxaana uu kamid yahay sida la sheegay Musharixiinta tartanka ku jirta.
Sannadkii hore, booliisku waxay diiwaangeliyeen wadar ahaan 89 qarax oo loo adeegsaday miinooyinka waddooyinka hareeraheeda la dhigo iyo qaraxyada baabuurta lagu rakibo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments