Askar Booliis ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Ciidanka DFS dhexdooda ayaa is ugaarsi bilaabay.

Warar Keydmedia Online
Askar Booliis ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Askar la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada Booliiska ayaa goor dhow waxaa lagu dilay isgoyska jiirada, degmad Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo la sheegay iney ahaayeen Milatari, islamarkaana aad uga carreysan howlgal ay DFS ku weerartay askar kale oo Miltari ah ayaa soo weeraray goob ay ku sugnaayeen Booliiskan, waxaana ay dileen Labo askari, iyaga oo qaatay hubkii ay wateen.

Xaaladda halka dilka uu ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo goobta ay gaareen ciidamo badan oo DFS, kuwaasi oo baaritaan wada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.