Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay gobolka Gedo

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Buundada laga galo degmada Buurdhuubo, oo katirsan gobolka Gedo halkaasoo Ciidamada Itoobiya ay saldhig ku leeyihiin,

Warar Keydmedia Online
Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay gobolka Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo u dhadhay Itoobiya ayaa lagu dilay weerar hoobiye oo xalay lagu qaadey saldhig ay ku leeyihiin degmada Buurdhuubo, oo katirsan gobolka Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in labo askari ay ku dhimatay weerarka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya duqeynta.

Ciidamada Itoobiya waxa saldhig ku leeyihiin nawaaxiga Buundada laga galo Buurdhuubo, oo ay ka ilaaliyaan inay argagaxisadda ay burburiso, waxayna halkaasi ku sugnaayeen tan iyo 2014 markii degmada ay dowladda la wareegtay.

AMISOM ayay kamid yihiin Ciidamada Itoobiya ee la weeraray, mana jiro war kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay xerada Xalane, ee magaaladda Muqdisho.

Gobolka Gedo waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay weerarada qaraxyada ay Al-Shabaab la eegato Saraakiisha Ciidanka ee ku safraya wadooyinka isku xira degmooyinka, waxaana ugu dambeeyay mid shalay ka dhacay duleedka Luuq.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.