Askar ka tirsan DFS oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan, waxaana laga maqlay deegaanno dhowr ah oo ku dhow magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Askar ka tirsan DFS oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Qarax miino ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in miinadan oo dhulka ku aasneyd lala eegtay gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay Hal askari, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, sida ay Keydmedia u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamada Booliiska oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan ay dad shacab ah ku qabteen.

Wadada isku xirta Muqisho iyo Afgooye ayaa marar badan waxaa sidan oo kale uga dhacay qaraxyo Miino, qaarkood waxay waxyeello u geysteen dad rayid ah.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.