Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu diyaariyay gaari oo la qarxay markii Ciidanka ay guriga yimaadeen, iyagoo halkaasi doonayay inay howlgal baaritaan ah ka fuliyaan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex kamid ahaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay degaanka Gandershe ee duleedka magaaladda Muqdisho.
Illo wareedyo dhanka amniga ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada ay la kulmeen qarax loogu sii diyaariyay guri ay doonayeen inay baaritaan ka sameeyeen, kaasoo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno katirsan Al-Shabaab.
"Ciidamada waxaa guriga loo dhigay gaari walxaha qarxa lagu xiray, kaasoo remote-control lagu qarxiyay markii ay soo galeen, waxaana goobta ku geeriyoodey saddex iyaga kamid ah, halka kuwa kale ay dhaawacmeen," sidaa waxaa KON u sheegay Sarkaal kamid ah NISA, oo magaciisa diiday inaan baahinno.
Ciidamada Alpha Group waxaa tababarey Mareykanka, iyagoo loo carbiyay howlgallada la-dagaalanka argagaxisadda, waxayna degan yihiin gudaha dhismaha garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments