Askar ku dhimatay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay duuleedka Magaalada Muqdisho, kaaso ay ku dhintay Askar ka tirsan Cidamadda Dowladda Federaalka.

Warar Keydmedia Online
Askar ku dhimatay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

MUQDIHSO, Soomaaliya - Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Maqaayad ku taalla deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Miinada ayaa lagu aasay gudaha Maqaayadda oo ay maalin walba ka cunteeyaan Dad Shacab ah iyo Askar ka tirsan Dowladda Federaalka, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay Labo shaqsi oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana waxaana ku dhaawacmay Afar Qof oo Shacab ah, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa kadib ayaa la tilmaamay in ciidan kale oo halkaasi ku sugnaa ay biilaabeen in rasaas ay tuuraan, lamana oga in rasaastaasi ay waxyeello ka dhalatay.

Ciidamada oo halkaasi howlgal ka bilaabay ayaa gacanta ku dhigay Dad Shacab ah oo meesha ka dhawaa, iyadoo sidoo kale halkaasi ay gaareen ciidanka baara miinada ee ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa ku badan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.