Askar loo haystay dilka Dhagajuun oo lasii daayay

Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in lasoo daayo Labada askari oo ku eedeysanaa inay qeyb ka qaateen dilka gudoomiyaha.

Warar Keydmedia Online
Askar loo haystay dilka Dhagajuun oo lasii daayay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa maanta mar labaad u fariisatay dhageysiga kiiska dilka gudoomiyihii degmada Hodon C/xakiin C/raxmaan Ciise [Dhegajuun] oo 21-kii January 2021 lagu dilay Jid-Mareexaan xili Habeen saqdii dhexe.

Maxkamadda ayaa waxay amartay in xabsiga laga sii daayo labo askari oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud “Buuqsane, kuwaasoo qeyb ka ahaa 7 qof oo loo soo xiray dilka.

Shanta xiran waxaa ku jira taliyeyaal boolis, oo lagu eedeeyay inay falkan wax ka ogaayeen, iyadoo ay jiraan tuhun ah in si kula-gal ah loo khaarijiyay gudoomiyaha, maadaama rasaas lagu furay Gaarigiisa oo la socday askar ilaalo ah.

Qoyska Marxuumka ayaa soo dhaweeyay in cadaaladda la horkeenno raggii dilkan ku lugta lahaa, iyadoo la filayo in Maxkamadda ay go'aanno kasoo saarto kiiskan marka uu soo dhamaado dhageysiga oo wajigii labaad galay.

Muqdisho waxaa ka dhacay dilal loo geysto Madax kala duwan, oo uu ku jiro midkii Eng Yariisow, waxaana jirin illaa hadda cid loo xukumay ama loo xiray, taasoo keentay in laga aamin baxo cadaaladda dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.