Askar ka tirsan AMISOM oo Gacanta ula tagey Taliyaha Booliska Soomaaliya

Muqdisho (KON) - Waxaa Maantay isku gacan qaadeen Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakim Dahir Siciid, kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska loo diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Askar ka tirsan AMISOM oo Gacanta ula tagey Taliyaha Booliska Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka hormaray Madaxweynaha la filyayna in uu halkaasi gaaro si uu Amniga u sii Xaqiijiyo ayaa loo diiday inuu gudaha u galo Garoonka.

Taliyaha ayaa markii uu galay Hoolka Shirku uu ka dhacayay ayee Labadaan Askar oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ay isku dayeen in ay Celiyaan.

Labadaan Askari ayaa Gen. Cabdixakim Dahir Siciid (Saacid) u diiday in uu gudaha u galo, waxeyna isku dayeen inay si Jajuub ah uga soosaaraan ayakoo gacanta ula tageen.

Daqiiqado kadib Saraakiil ka tirsan AMISMO ay soo dhexgaleen Arrinta, kadibnah u fasaxeen taliyaha in uu galo goobta.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho