Askar lagu eedeeyay Kufsi iyo Afduub oo la xakumay

Muqdisho (KON)N Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday dad eedeesanayaal ah oo la horkeenay.
Warar Keydmedia Online
Askar lagu eedeeyay Kufsi iyo Afduub oo la xakumay

 

Dadkaan maxkamada la horkeenay ayaa tiradoodu waxay gaaraysay ilaa iyo Todobo ruux oo intooda badan ka tirsan askarta dowlada waxaana ku jiray hal qof oo dumar ah.

Eedeeysanayaashaan ayaa waxaa loo heestay danbiyo kale duwan oo uu qayb ka ahaa Kusfi iyo Afduub sida ay sheegtay maxkamada ciidamada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamada Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamada ku riday eedeesanayaashaan wuxuuna sheegay, Shan ka mid ah in lagu xakumay 10-sano oo xarig ah, halka labo kale oo ka mid ahaa askarta dowlada lagu riday xukun ah 15-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay kufsi u geestaan haweenay Soomaaliyeed.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho