Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Howlgal qorsheysan oo ay magaalada Gaalkacyo ka fuliyeen ciidamada Puntland ayaa lagu soo qabtay askari horay u dilay nin ganacsade ahaa.
Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudg waxay ku qabteen askari ka tirsan maamulkaasi, kaa oo horay waqooyiga magaaladaasi ugu dilay nin ganacsade ahaa.
Howlgal ay ciidanku sameeyeen xalay ayey kusoo qabteen askarigan, waxaana hadda lagu hayaa saldhigga magaalada Gaalkacyo.
Inta uu howlgalka socday ayaa la sheegay in ciidanka iyo askarigan dhex-martay is rasaaseyn kooban, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay Labo ruux oo shacab ah.
Muumin Cabdi Shire oo ah taliyaha qeybta Booliska ee Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in askarigan ninka uu dilay lagu magacaabayey C/laahi Daahir Aadan, kana mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaan gobolka Mudug.
11-kii bishan September, ayuu askarigan dilka ka geystay magaalada Gaalkacyo, iyadoo maalmahan ay aad u baadigoobayeen ciidamada ammaanka.
Keydmedia Online
Add comment
Comments