Askari ilaalo u ahaa taliyaha Booliiska oo askari kale dilay

Askariga wax dilay iyo kan la dilay waxaa la sheegay in uu muran soo kala dhex-galay.

Warar Keydmedia Online
Askari ilaalo u ahaa taliyaha Booliiska oo askari kale dilay

MUQDISHO, Soomaaliya -  Askari ilaalo u ahaa taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dilay askari kale oo ay isla shaqeynayeen gudaha degmada C/casiis ee Muqdisho.

Askari dilka geystay ayaa lagu magaacaabaa Aadan Ibraahi Shamiindo, waxaana askari kale ee uu dilay iyo isaga dhex-maray muran, taasna ayaana keenay dilka.

Sida wararku ay sheegayaan goobta waxaa isaga baxsaday adkarigii wax dilay oo illaa iyo hadda la ogeyn halka uu aaday.

Taliyaha ciidanka Booliiska kama aanu hadal falkaan ka dhacay hoygiisa, sidoo kalena ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada C/casiis.

Falalka ay isku waxyeelaynayaan askarta DFS ayaa ah kuwo si caadiyan ugu soo noq-noqday magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.