Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo iska dhiibay Dhuusamareeb

Dagaallame ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku dhiibey Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka, ee ku sugan Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo iska dhiibay Dhuusamareeb

DUUSAMAREEB, Soomaaaliya - Calas Axmed Xirsi, oo ka mid ahaa Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan isku dhiibay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Calas, oo magaciisa Af-garashadu ahaa Careys, ayaa maanta loo soo bandhigay saxaafadda, wuxuuna sheegay in uu afar sano xubin ka ahaa Al-Shabaab, kana qeyb qaatay labo dagaal oo ka kala dhacay degaanka Bacaadweyn iyo duuleedka Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidanka Boliiska, ayaa sheegay inuu xiriirro la soo sameeyay ka hor inta uusan soo gaarin degaanka Ceeldheere oo kaabiga ku haya magaalo madaxda gobolka Galgaduud.

Calas, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, isagoo hoosta ka xariiqay in uu diyaar u yahay la dagaallanka Al-Shabaab.

Calas, oo dhallintiisu aad u yartahay ayaa Al-Shabaab uga biiray degaanka Ceel-meygaag, oo dhaca gobolka Galgaduud, kaas oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen tan iyo 2008-dii.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.