Askar ku dhimatay weerar ka dhacay Sh/Hoose

Gobolka ayaa noqday meesha ugu xasaradaha iyo dagaallada badan dalka Soomaaliya, maadaama ay ku sugan yihiin Ciidanka ugu badan ee dalwadda iyo kuwa ajnabiga ee AMISOM iyo US.

Warar Keydmedia Online
Askar ku dhimatay weerar ka dhacay Sh/Hoose

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Weerar isagu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa shalay gelinkii dambe lagu qaadey Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka dawladda Soomaaliya xili ay marayeen duleedka degaanka Awdheegle, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha amniga gobolka ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay kadib markii Malleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ay jidka u galeen gaadiid sahay u wadey Ciidan uu Turkiga tababarey oo dhawaan la dejiyay saldhigyo ku yaalla Awdheegle.

Inta la xaqiijiyay 9 askari iyo tiro intaas ka badan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka iyo qaraxyadii dhacay, waxaana sidoo kale goobta laga jiiday gaari nooca xamuulka ah oo kamid ahaa kolonyadii sahayda waday.

Taliska Ciidanka DF ayaa sheegay in uu socdo howlgal lagu baacsanayo Malleeshiyaadka Al-Shabaab, ee weerarka soo qaadey kuwaasoo u cararey dhinaca degaanada ay ku dhuumaaleystaan ee nawaaxiga Janaale.

Awdheegle ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laha saarey dhawaan, iyadoo horey Ciidanka u qabsadeen Bariire, Janaale, Sabiid, Caanoole oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Marka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.