Askari Muqdisho ku dilay darawal mooto Bajaaj

Askarta ayaa caado ka dhigtay iney dilaan dadka rayidka ah.

Warar Keydmedia Online
Askari Muqdisho ku dilay darawal mooto Bajaaj

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxa uu magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah, askariga wax dilay ayaa saarnaa Mootada ninka la dilay, waxaana laga war helay isaga oo rasaas oodda kaga qaaday.

Lama oga waxa sababay in askarigan uu dilo darawalkan, waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaanno wada.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.