Askari ka tirsanaa Ahlu-suna oo Ceelbuur lagu toogtay

Ceelbuur(keydmedia) Xoogaga dowladda la dagaalama ee ka taliya degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud ayaa shalay galinkii danbe halkaasi ku toogtay nin ay sheegeen inuu hora uga tirsanaa ciidamada dowladda iminkana uu ka mid ahaa Ahlu-suna.
Warar Keydmedia Online
Askari ka tirsanaa Ahlu-suna oo Ceelbuur lagu toogtay

Kooxahan ayaa ku eedeeyay ninkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Dhagad  inuu ka mid yahay koox ay sheegeen in ay diinta ka baxeen isla markaana xukunkiisa dil uu yahay ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala degmada Ceelbuur.

Diinta Islaamka ayaa si weyn taxdar uga muujisay daadinta dhiiga umadda Islaamka ah, waxaana ay diinta islaamka dilka Bani’aadam ay ku baneysay sababo xadadin darteed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay toogtaan qof Soomaali ah iyagoo diinta ka sareeya waxaana inta badan falalkani ay yihiin kuwa la fisho.

www.keydmedia.net