Atam “Dagaalka Wuu soconayaa”

Max'ed Saciid Atam oo ah horjoogaha kooxaha la dagaalmay shalay maamulka Bari iyo Nugaal ayaa wacad ku maray in Dagaalada ay socon doonaan ilaa ay Boosaaso gacanta ku dhigaan.
Warar Keydmedia Online
Atam “Dagaalka Wuu soconayaa”

"Dagaalka waa uu socon doonaa tan iyo inta aan gacanta uga dhigeyno Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, ujeedkeenana waa in aan maamulno gobalada Bari iyo Nugaal" Sidaa waxaa yiri horjooge Atam oo la hadlayay warbaahinta.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhan ayaa qarxay waabarigii shalay waxaana uu ka bilowday deegaanka Buuraleyda ah ee Galgala iyadoona ay ku dhinteen 10 ruux oo labada dhan ah.

waxaa iminka laga dareemayaa deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen saan saan dagaal iyo isu hub gurasho ay sameynayaan labad dhan.

www.keydmedia.net